Cristiano Ronaldo Oo Laga Dhex Waayay Liiska Xiddigaha Ka Hor Tagi Doono SPAL, Sabab

0

Kooxda Juventus ayaa fursad u haysata in ay maanta si Rasmi ah ugu guulaysato horyaalka Serie A-da markii 8-aad oo xiriir ah marka ay la ciyaari doonto kooxda SPAL kulan ka tirsan todobaadkii 32-aad ee horyaalka Serie A-da.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo & Giorgio Chiellini ayaa ka mid ah xiddigaha laga dhex waayay Liiska xiddigaha uu tababare Allegri soo saaray ee kaga hor tagayo kooxda SPAL.

Cristiano Ronaldo ayaa loo nasiyay kulanka champions League xilli ay Juventus u baahantahay hal dhibic si ay ugu guulaysato horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Laakiin Xiddiga Juan Cuadrado ayaa ku soo laabtay Liiska kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay kooxda Juventus.

Xiddiga khadka dhexe ee Emre Can ayaa wali kaga maqan kooxda Dhaawaca halka aan sidoo kale liiska laga reebay xiddigaha Daniele Rugani, Miralem Pjanic, Blaise Matuidi & Mario Mandzukic.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Juventus ee kulanka SPAL:

Szczesny, Perin, Pinsoglio; De Sciglio, Alex Sandro, Barzagli, Bonucci, Cancelo, Spinazzola, Coccolo, Gozzi; Khedira, Bentancur, Kastanos, Nicolussi Caviglia; Dybala, Cuadrado, Kean, Bernardeschi, Mavididi

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here