Cristiano Ronaldo Oo Hal Codsi U Diray Maxkamada Spain Ka Hor Inta Aan Maxkamada La Hor Keenin Todobaadkan.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa hal arin ka codsday Maxkamada oo uu ka soo muuqan doono todobaadkan.

Cristiano Ronaldo ayaa maxkamada ka codsaday in uuna ka soo galin meel ay saxaafada iyo dadka kale joogaan marka maxkmada la soo hor istaajinayo.

Xiddiga Juventus ayaa Madrid ku soo laaban doona todobaadkan si loo hor keeno maxkamada Provincial Court kuna taala caasimada Spain.

Ronaldo ayaa codsi warqad ah u diray maxkamada si loogu ogolaado in uuna ka soo galin meesha caadiga ah ee laga soo galo si uu u ilaaliyo Amnigiisa.

Cristiano ayaa lagu soo eedeeyay in uuna bixin lacag dhan 12 milyan oo euro oo ah cashuurta intii u dhexaysay sanadihii 2011 ilaa 2014 markii uu joogay Real Madrid.

Xiddiga reer Portugal ayaa ogolaaday bishii July in uu bixiyo lacag dhan 16.9 milyan euro sidoo kale Aqbalay xabsi 2 sano ah laakiin aan jeelka dhabta ah gali doonin.

Dalabka Ronaldo ayaa markii hore laga diiday laakiin waxa madaxda Spain haatan loo qoray codsi qaraal ah oo uu gubiyay wakiilkiisu.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here