Cristiano Ronaldo Oo Guul Ku Hogaamiyay Juventus Xilli CR7 & Juventus Guul & Goolal Ku Soo Xidheen Sanadka 2018

Caawiyaha Garsooraha ee VAR ayaa door muhiim ah ka qaatay guul ay kooxda Juventus ka gaadhay kooxda Sampdoria kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Koxoda Sampdoria ayaa marti u noqotay kooxda Juventus kulan ka tirsanaa todobaadkii 19-aad ee horyaalka Serie A-da.

Kooxda Juventus ayaa gaadhay guul uu ka caawiyay Cristiano Ronaldo kaas oo sanadka 2018 ku soo xidhay 2 gool iyo waliba guul uu kooxdiisa ku hogaamiyay.

Cristiano Ronaldo goolka 1-aad dhaliyay wakhti hore gaar ahaan daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus.

Laakiin Daqiiqadii 33-aad ayay kooxda Sampdoria dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Fabio Quagliarella kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Qaybtii dambe ayay kooxda Juventus ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo kooxda martida u ahayd ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 65-aad ayuu Cristiano Ronaldo dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay ciyaarta 2/1 ay kooxda Juventus ciyaarta ku hogaaminayso.

Kooxda Sampdoria ayaa dhalisay gool cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta laakiin VAR ayaa ka hos istaagtay kadib markii uu xiddig kooxdooda ah Offside galay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus sidaas ku gaadhay guul 2/1 ah guulna ugu soo xidhatay sanadka 2018 oo ay ciyaareen kulankoodii ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here