Cristiano Ronaldo Oo Doonaya In Uu Real Madrid Ka Hor Tago Wareega 8 Dhamaadka Champions League & Hal Qof Oo Sabab U Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ka hor tago kooxda Real Madrid wareega xiga ee champions lLeague.

Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus bishii July isaga oo ugu biiray lacag dhan 105 milyan oo euro.

Xiddiga reer Portugal ayaa ugu biiray kooxda Juventus si uu uga caawiyo ku guulaysiga Tartanka champions League.

Laakiin Ronaldo iyo Juventus ayaa khatar ugu jira in ay wareega 16-ka tartanka kaga hadhaan champions League kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulantay Atletico Madrid.

Si kasta ha ahaatee Wargayska AS ayaa sheegaya inkasta oo ay arintaas jirto hadana Ronaldo ayaa doonaya in uu ka hor tago Real Madrid.

Wargayska ayaa sheegaya in sababta uu Ronaldo u doonayo in uu uga hor tago Real Madrid in ay tahay in uu madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez u muujiyo tayadiisa kana reebo Real Madrid tartanka champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here