Cristiano Ronaldo Oo Dhigay Rikoodh Cajiib Ah Kadib Ku Guulaysigii Supercoppa

0

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa koobkiisii ugu horeeyay kula guulaystay kooxda Juventus kadib markii uu la qaaday koobka Supercoppa kaas oo ay ka qaadeen kooxda Ac Milan.

Cristiano Ronaldo ayaa madaxiisa ugu hogaamiyay Juventus ku guulaysiga koobka kadib markii uu daqiiqadii 61-aad goolka kaliya ee ay ku qaaday u dhaliyay.

Kadib ku guulaysiga Supercoppa Italiana xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhigay rikoodh taariikhi ah oo u gaar ah.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan horyaalka Super Cup-ka kaga guulaystay 4 horyaal oo kala duwan kuwaas oo kala ah Portugal, England, Spain iyo haatan oo Italy ah.

CR7 ayaa markii ugu horaysay kooxda Sporting Lisbon kula guulaystay Super Cup-ka Portugal isaga oo ku xig siiyay Cummunity Sheild-ka oo uu Man United kula guulaystay, Real Madrid Kula Guulaystay Super Cup-ka Spain haatana Juventus kor ula qaaday koobka super cup-ka Italy.

Sidoo kale Cristiano ayaa Juventus ka caawiyay in ay kooxda Supercoppa ku guulaysteen markii 8-aad ee taariikhdooda tahayna kooxda ugu guulaysiga badan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here