Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Ugu Dambayn Go,aamiyay Midka Fiican Labada Xiddig.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Ahna Daadihiyaha BT Sport ee Gary Lineker ayaa sameeyay codayn uu taageerayaasha kubada cagta ku waydiinayay midka ah xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta xiddigaha sida weyn u xafiiltama ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa Cristiano Ronaldo ku garaacay codaynta xidiga ugu fiican adduunka kadib markii uu bogiisa Twiiter-ka ku waydiiyay taageerayaasha kubada cagta.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay salaasadii kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa Champions League.

Laakiin Lionel Messi ayaa 24 saac kadib u jawaabay Ronaldo isaga oo dhaliyay 2 gool caawiyena ka noqday 2 kale kulankii Lyon ee ay Barcelona 5/1 uga badisay kooxda reer France.

Gary Lineker ayaa go,aansaday in uu bogiisa Twitter-ka ku waydiiyo taageerayaasha kubada cagta midka fiican laabda xiddig.

Natiijada ayuu Lionel Messi si weyn ugu garaacay Cristiano Ronaldo xilli uu Messi helay cod dhan 62% halka uu Ronaldo helay kaliya 38%.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here