Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Madaxweynaha Lyon Oo Sheegay Midka Fiican Labada Xiddig

0

Madaxweynaha Kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa sheegay hadal muran badan dhaliyay ka hor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Barcelona kana tirsan wareega 16-ka tartanka champions League.

Jean-Michel Aulas ayaa sheegay in uuna Lionel Messi qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigin kooxdiisa marka ay iska hor yimaadeen wakhtigii hore.

Isaga oo waraysi siiyay Le Figaro ayuu Jean-Michel Aulas sheegay in uu Xiddiga Cristiano Ronaldo yahay xiddiga ugu fiican ee ka hor tagay kooxda Lyon.

Intii uu ku jiray waraysiga ayuu sidoo kale si weyn uga hadlay madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez isaga oo ku tilmaamay “Qof soo jiidasho badan”

Jean-Michel Aulas oo bisha March noqon doona 70 jir ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka fadhiisto maamulista ciyaaraha kubada cagta 75 jir marka uu gaadho laakiin doonayo in uu Arko Lyon oo ku guulaysta champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here