Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? John Terry Oo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka

0

Halyeeyga kooxda chelsea iyo xulka qaranka England ee John Terry ayaa doortay xiddiga ugu fiican adduunka xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

John Terry oo taageerayaashiisa uga jawaabaya su,aalo ay ku waydiiyeen bogiisa Twitter-ka ayaa ka jawaabay midka fiican Ronaldo iyo Messi.

“Waxa aan doornayaa Lionel Messi waayo waxa uu leeyahay haybad lagu raaxaysan karo”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi” Laakiin waxa aan xiddig kasta oo da,yar ah u sheegi lahaa hadii uu ku daydo dadaalka Cristiano Ronaldo in uu fursad u leeyahay in uu noqdo xiddiga ugu fiican”.

John Terry ayaa ka soo hor tagay labada xiddigba tartanka champions League iyo waliba horyaalka premier League wakhtigii uu ciyaaraya kubada cagta.

Terry ayaa haatan ah caawiyaha tababaraha ee kooxda Aston Villa kadib markii uu ciyaaraha ka fadhiistay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here