Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Angel Di Maria Oo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Ee Uu Ka Soo Garab Ciyaaray Labada Xiddig

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSG iyo xulka qaranka Argentine ee Angel Di Maria ayaa ah xiddigaha yar ee nasiibka u yeeshay in uu ka garab ciyaaro xiddigaha ugu fiican adduunka sanadihii ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Di Maria ayaa Ronaldo kaga soo garab ciyaaray kooxda Real Madrid oo ay wakhti fiican ku wada qaateen halka uu Leo Messi kaga garab ciyaaray xulka qaranka Argentine.

Xiddiga reer Argentine oo Waraysi siiyay shabakada ESPN ayaa ka hadlay xiddiga ugu fiican ee uu ka soo garab ciyaaray labada xiddiga.

“Intii aan ciyaarayay kubada cagta waxa aan ka soo garab ciyaaray xiddigo badan oo fiican laakiin kawarn hadii aan Messi U doorto Midka ugu fiican”.

“Messi waxa uu awood u leeyahay in uu saameeyo wax walba oo ayna samayn karin xiddigaha kale sidaas darteed waa xiddig ka yimid adduun kale”.

“Leo Messi wuu Ka Fiican Yahay Cristiano Ronaldo xiriirka aan la leeyahayna waa mid ayna cid kale fahmi karin sababta oo ah waa qof dabiici ah si fududna ula dhaqma dadka taas oo xiriirka naga dhexeeya ka dhigaysa mid adag”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here