Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Oo Hogaaminaya Shaxda Ugu Fiican ilaa Haatan shanta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub

0

Waxa dhamaaday qaybtii hore ee horyaalada yurub ee xilli ciyaareedkan waxana soo shaac baxay inta badan horyaalada yurub kooxaha ku guulaysan doona horyaalada kala duwan.

Sidoo kale waxa qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay xiddigo badan kuwaas oo kooxohooda farqi weyn u sameeyay.

Shabakada whoscored ayaa soo saartay shaxdooda ugu fiican ee qaybtii hore ee horyaalada waaweyn iyada oo lagu arkay in ay weerarka hogaaminayaan xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Serie A-da isaga oo leh 14 gool halka uu Lionel Messi hogaaminayo gool dhalinta La Liga isaga oo leh 16 gool.

Sidoo kale waxa aan shaxda whoscored ka maqnayn xiddigaha kooxda PSG ee Neymar iyo Kylain Mbappe kuwaas oo dhaliyay 25 gool labadoodu.

Sidoo kale waxa ku jira shaxda xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard kaas oo dhaliyay 10 gool sidoo kale caawiye ka noqday 9 kale.

Halkan Hoose Shaxda kaga bogo:

Goolhaye: Walter Daniel Benítez (Nice).

Daafaca: Joshua Kimmich (Bayern), Virgil Van Dijk (Liverpool), Frédéric Guilbert (Caen), Lucas Digne (Everton).

Khadka Dhexe: Téji Savanier (Nice), Neymar (PSG), Kylain Mbappe (PSG), Eden Hazard (Chelsea)

Weerarka; Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Juventus).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here