Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Oo Hogaaminaya 4-ta Xiddig Ee U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan.

0

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Liiska xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican todobaadka champions League.

Waxa la soo Afjaray kulamadii wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo xalay iyo habeen dambe la ciyaaray 4 kulan.

Juventus ayaa 3/0 uga badisay kooxda Atletico Madrid halka ay kooxda Man City 7/0 uga badisay kooxda reer Germnay ee Schalke.

Ugu dambayn Liverpool ayaa 3/1 ku garaacday kooxda Bayern Munich halka ay Barcelona 5/1 ugu awood sheegatay kooxda reer France ee Lyon.

UEFA ayaa soo saaray 4 xiddig oo dhamaantood goolal dhaliyay kuwaas oo u tartami doona xiddiga ugu fiican Champions League todobaadkan.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo oo dhaliyay saddexley, Leroy Sano oo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 gool oo kale, Lionel Messi oo dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday iyo Sadio Mane oo dhaliyay 2 gool ayaa ah xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here