Cristiano Ronaldo, Lionel Messi Mise…? Jurgen Klopp Oo Si Maskax Ku Jirto Uga Jawaabay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qaab maska ah uga jawaabay su,aal laga waydiiyay xiddiga ugu fiican adduunka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Klopp ayaa u muuqda mid aan labada xiddig kala dooran laakiin waxa uu su,aasha uga jawaabay qaab dad badan ka qoslisay markii la waydiiyay xiddiga ugu fiican adduunka.

Jurgen Klopp oo la hadlaya LFCTV ayaa yidhi”Waxa aan hal sawir oo kaliya ku haystaan Mobile-kayga waana sawir aan kula jiro Lionel Messi, laakiin Sidoo Kale qolkayga waxa ku dhagsan sawir Ronaldo ah”.

“Jawaabta uu Jurgen Klopp ka bixiyay ayaa u muuqata mid aanu midkoodna ugu magacaabin xiddiga ugu fiican adduunka”.

Laakiin Xiddig kale ayuu Jurgen Klopp u arkaa midka ugu fiican adduunka waana halyeeyga reer Brazil ee Pepe isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Aabahay ayaa mar walba igu odhan jiray Pele ayaa ah midka ugu fiican adduunka inkasta oo ay dadku mustaqbalka odhan doonaan arimo kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here