Cristhian Stuani Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Kooxda Barcelona Suuqa Janaury

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Girona ee Cristhian Stuani ayaa ka hadlay wararka sida lama filaanka ah ula xiriirinaya kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Uruguay oo wacdaro ka dhigaya horyaalka La Liga ayaa diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada uu ugu biiro karo kooxda Barcelona.

Cristhian Stuani ayaa dhaliyay 33 gool 50 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Girona labadii xilli ciyaareed ee ay ka ciyaaraysay horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub kadib markii uu Munir ku biiray kooxd Sevilla.

Cristhian Stuani oo 32 jir ah ayaa lagu heli karaa kaliya 15 milyan oo euro bishan waxana uu arintaas ka yidhi” Waxma ma odhan karo”markii wax laga waydiiyay xiisaha Barcelona.

Barcelona ayaa sidoo kale diirada ku haysa xiddigo badan oo uu ka mid yahay Alvaro Morata si ay ugu xoojiso weerarkooda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here