Coutinho, Higuain, Fellaini, Hudson-Odoi & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda reer Portugal ee Benfica ayaa Liverpool ka soo diiday dalab lacageed oo dhan 61 milayn oo euro oo ay Reds ku doonaysay 19 jirka khadka dhexe ka ciyaara ee Joao Felix (Correio da Manha).

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in ay Reds dib ula soo saxiixanayso Philippe Coutinho 12 bilood kadib markii uu xiddiga reer Brazil 142 milyan ugaga biiray Barcelona (Liverpool Echo).

Tababaraha Kooxda Monaco Thierry Henry ayaa doonaya in uu heshiis amaah ah Man United ugala wareego xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini (RMC).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Ac Milan ee Gonzalo Higuain ayaa Maanta U Soo Duuli Doona London Si Uu Dhamaystiro Heshiiskiisa diyaarna ugu noqdo kulanka lugta 2-aad ee Semi-filanka Carabao cup-ka ay la ciyaari doonto Tottenham (Sun).

Kooxda Bayern Munich ayaa da,yara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi u soo bandhigtay lacag dhan 85 kun todobaadkii oo mushahar ah (Sun).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Anthony Martail ayaa ku dhaw in uu heshiis shan sano ah u saxiixo kooda Man United (Sky Sport).

Kooxd Inter Milan ayaa ku dhaw in ay kooxda chelsea ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Cagliari ee Nicolo Barella (Calciomercato).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddiga garabka uga ciyaara ee Malcom bilod kadib markii ay 35 milyan ka soo bixiyeen xiddiga (ESPN).

Ashley Cole Ayaa todobaadka dambe Frank Lampard kula biiri doona kooxda Derby Couty (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay 44 milyan oo euro ka bixiso daafaca kooxda Porto ee Eder Militao kadib markii ay heshiiska Shaqsiga la gaadhay (Mail).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here