Coutinho, Hazard, Rakitic, Perisic, Fellaini & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Galabta

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalin walba wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab wakhti dambe ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Monaco ee Youri Tielemans (Nieuwsblad).

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa la kulmay xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Philippe Coutinho isaga oo waydiiyay sidii uu uga soo saari lahaa qaab ciyaareedkiisia ugu fiican (Sport).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta koox reer Shiine ah si ay uga iibiyaan xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini (Sky Sport).

Agaasimaha Kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in ayna kooxda Inter Milan wali helin dalab lagu doonayo xiddiga Ivan Perisic (London Evening Standard).

Kooxda Arsenal ayaa si aad ah ugu dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Denis Suárez iyada oo lagu jiro wajiyadii ugu dambeeyay ee wadahadalada (The Guardian).

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay xiddiga Mateo Kovacic ku darto heshiiska ay ku doonayaan saxiixa xiddiga Eden Haz Hazard xagaaga (Express).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan (Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa isku shaandhayn ku samayn doonta shaxdeeda xagaaga iyada oo kooxda laga diri doono xiddigaha ay ka midka yihiin Marcelo, Isco, Keylor Navas, Lucas Vazquez, Dani Ceballos & Jesus Vallejo (El Chiringuito).

Kooxda Juventus ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic iyo xiddiga garabka uga ciyaara Fiorentina ee Federico Chiesa iyo xiddiga Roma ee Nicolo Zaniolo (Corriere dello Sport).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Everton ee Idrissa Gueye ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa si uu ugu qasbo in uu ku biiro kooxda PSG (Sky Sport).

Kooxda Chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa Philippe Coutinho si ay ugu buuxiso Booska Eden Hazard hadii uu ku biiro Real Madrid Xagaaga (Star).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha ayaa si aad ah ugu dhaw in uu ku biiro kooxda Borussia Dortmund (Bild).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here