Coutinho, Hazard, Mata, Giroud, Martial, Benzema & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalin walba wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa loo ogolaaday in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid xagaaga hadii ay Los Blancos dalab ka soo gudbiso adeegiisa (Don Balon).

Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa war fiican ka helay baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho kadib markii uu tababaraha kooxda ee Ernesto Valverde ka quustay in uu dib u soo celin karo qaab ciyaareedka xiddiga (Sport).

Isla wararka ayaa intaas ku daraya in ay kooxda Barcelona badalka Philippe Coutinho u aragto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Juan Mata (Mundo Deportivo).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ka dhigto tababarohooda cusub iyaga oo waliba doonaya in ay soo raacsadaan weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema (Diario Gol).

Kooxda Inter Milan ayaa si weyn uga xanaaqday in uu xiddiga Ivan Perisci warqada bixitaanka gudbiyay si u uga tago kooxda bishan (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay kooxo dhawr ah oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeega xiddiga Sandro Tonali (David Amoyal).

Xiddiga Kooxda Man United ee Anthony Martial ayaa saxiixi doona heshiis cusub oo 5 sano ah todobaadkan oo uu ku sii joogi doono Man United (Mohamed Bouhafsi).

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay horay u soo dhigtay qorshaha ay kula soo saxiixanayso xiddiga Jean-Clair Todibo iyada oo 48 saac ee suuqa ka dhiman ku dhamaystiri doonta heshiiska xiddiga (Mundo Deportivo).

Kooxda Leicester City ayaa u muuqata in ay Man United ku garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans kadib markii ay Monaco kala heshiisay in ay is dhaafsadaan xiddigaha Adrien Silva & Youri Tielemans (Le10 Sport).

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Olivier Giroud Ayaa iska diiday dalab uga yimid kooxda shiinaha ah ee Dalian Yifang isaga oo doonaya in uu sii joogo yurub (L’Equipe).

Kooxda Watford ayaa Ac Milan u sheegtay in uuna xiddiga garabka ka ciyaara ee Gerard Deulofeu iib ahayn bishan January (Calciomercato).

Ac Milan ayaa bartilmaameedsan doonta xiddiga garabka ka ciyaara ee Victor Osimhen kadib markii ay ku fashilantay saxiixa Deulofeu (Corriere dello Sport).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here