CODAYN: Akhristayaasha Wargayska MARCA Oo U Codeeyay Kooxda Gaadhi Doonta Filan-ka Copa Del Rey, Real Mise Barca?

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa 4 todobaad gudohood wada ciyaara 3 kulan oo El Clasico ah kadib markii ay labada kooxood isku aadeen wareega Semi-finalka tartanka Copa Del Rey-ga.

Akhristayaasha wargayska MARCA ayaa haatanba codkooda ka dhiibtay kooxda guusha gaadhi doonta una gudbi doonta Finalka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Wargayska MARCA ayaa Akhristayaashiisa waydiiyay kooxda u gudbi doonta Finalka tartanka kunaguulaysan doonta xilli ciyaareedkan.

Akhristayaasha ayaa Kooxda Barcelona u sharaxay in ay garaacdo kooxda Real Madrid una gudubto Finalka tartanka Copa Del Rey-ga.

Codaynta ayay ka qayb qaateen 35 kun oo taageere labada kooxoodba ah iyo waliba Akhristayaasha wargayska ee aan midkoodna taageerin labada kooxood.

61% Akhristayaasha ayaa Barcelona u codeeyay in ay garaaci doonto Real Madrid una gudbi doonto Finalka tartanka halka 39% ay u codeeyeen in ay Real Madrid garaaci doonto Barcelona.

Hadaba Adiga dhankaaga yaad is leedahay guusha ayay raaci doontaa una gudbi doona Finalka tartanka xilli ciyaareedkan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here