Coady, Van Dijk, Alderweireld & 10-ka Daafac Ee Ilaa Haatan Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

0

Ma Jirto koox premier League ah oo Abid guulo ka gaadhay Horyaalka hadii ayna haysan daafacyo bir ah.

Daafaca dhexe ayaana laf dhabar u ah koox kasta oo kubada cagta ciyaarta kuwaas oo ka hor istaaga weerarada lagu qaadayo.

20 sano ka hor tababarayaasha ayaa dooni jiray daafacyo ku guulaysan kara kubada cirka, taako u dhigi kara weeraryahanada ka soo hor jeeda inta ayna galin dilinta ganaaxa.

Haatan waxa ay koox walba u baahan tahay daafacyo leh awood, Farsamo, Gool dhalin iyo waliba qaar ku guulaysan kara kubada cirka.

Waxa Premier League ka ciyaara daafacyo aynu odhan karno waa kuwa ugu fiican adduunka marka aad qiimayso awoodooda shaqsiyeed.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka daafac ee ugu fiican ilaa haatan premier League sida laga soo xigtay wargayska Mirror.

1. Virgil van Dijk (Liverpool)

2. Aymeric Laporte (Manchester City)

3. Toby Alderweireld (Tottenham Hotspur)

4. Antonio Rudiger (Chelsea)

5. Joe Gomez (Liverpool)

6. John Stones (Manchester City)

7. Shkodran Mustafi (Arsenal)

8. Issa Diop (West Ham United)

9. Nathan Ake (Bournemouth)

10. Conor Coady (Wolverhampton Wanderers)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here