Ciyaartoy Kasta Ayay War Wanaagsan U Ahayd Soo Laabashada Zidane, Anigu Go’aanka Soo Laabashadiisa Maan Samayn.

Kabtanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa sheegay in aanu isagu sabab u ahayn isla markaana aanu qaadan go’aankii lagu soo celiyay Zinedine Zidane. Sergio Ramos ayaa cadeeyay in soo laabashada Zidane ay war fiican u ahayd ciyaartoy kasta oo kooxdiisa ka tirsan.

Laakiin waxa uu Sergio Ramos beeniyay in isagu uu ahaa shaqsigii qaatay go’aankii uu Zidane ku soo laabtay iyada oo ay jireen warar sheegayay in Ramos iyo ciyaartoyda kooxdiisu ay ahaayeen kuwii diiday in Jose Mourinho uu soo laabto ee ay doorka ku lahaa soo laabashada Zidane.

Sergio Ramos ayaa xalay saftay kulankiisii 164 aad ee xulka qarankiisa Spain wuxuuna hadda saddex kulan oo kaliya u jiraa rekoodhkii goolhaye Iker Casillas uu ku haystay safashada ugu badan ee xulkiisa Spain.

Kadib guushii ay xalay Spain ka gaadhay Malta ayuu Sergio Ramos ka hadlay soo laabashada Zidane iyo isbadalka kooxdiisa wuxuuna yidhi: “Isbadaladu waxay keeni karaan xaalado wanaagsan. Waxaanu waqtiyo layaableh la soo qaadanay Zizou waana farxad in aanu isaga guriga ku haysano”.

Laakiin  Sergio Ramos ayaa beeniyay in uu isaga ahaa shaqsigii go’aamiyay soo laabashada Zinedine Zidane wuxuuna yidhi: ” Soo laabashadiisu war fiican ayay u ahayd dhamaan ciyaartoyda oo dhan, muu ahayn go’aan aan anigu sameeyay, xataa haddii ay dadku ka fikirayaan in aan sameeyay”.

Laakiin Ramos ayaa cadeeyay in maadaama uu kabtankii kooxda yahay uu taladiisa bixiyo marka wax laga waydiiyo wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan ahay kabtanka isla markaana fikradayda ayan bixyaa marka la iwaydiiyo. Anigu marnaba amarka ma qaato, waligayna maan doonin in aan qaato”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here