Sheekada qeybta  hore : Maxico iyo Poland ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah  ka dib ciyaar deg degsiimo laheyd

Maxico iyaga ayaa wacnaa qeybta hore waliba halis ahaa iyadoo ay jiraan fursado wacan oo ay abuurayeen

Cadaadiska waa looga sareeyay Poland waliba %57 ayaa laga sareeyay xilli Poland ay ku adkeyd in kubadda ay gaarsiiyaan afka hore .

Maxico dadaal ayay ku jireen , farsamo ahaanna waa ka sareeyeen Poland balse nasiibka ayaa ka maqnaa , waxa ayna ku fiicnaayeen in afka hore si fudud ku tagaan mar waliba xilli Poland ay ahaayeen kuwo dib u gurtay  oo daafac ku jiray

Soo laabashadii , Poland horay ayay u soo dhaqaqayeen kubadana wa aay gaarsiinayeen afka hore halka Maxico ahaayeen kuwo foojigan wax walibana laga filan karay

Cadaadiiska Poland waxaa ku yimid qalad ay galeen daafaca Maxico waxaana rigoore loo dhigay laaday Lewandski balse waa laga bad baadiyay daqiiqadii 58-aad , ka dib Maxico weerar ayay qaadeen waxaana gool xaqiiq ahaa u diiday goolhayaha Maxico

Qeybihii dhamaadka , ciyaarta dar dar ayay laheyd , deg degsiimo, labada qaran waa u furneyd in ay goolal isku helaan

Dhamaadkii fursado ayay isku heleen , waxa ayna ciyaarta xiiso laheyd qeybta labaad , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here