City oo hogaanka kala wareegtay Liverpool kadib guushii ayka gaartay Everton

Waxaa Xalay laciyaaray ciyaar xiiso badan oo kamid aheyd horyaalka wadanka ingiriska , naadiga manchester City ayaa wajaheysay naadiga kubadda cagta ee everton waxana ay fursad uheysatay iney kasaramarto naadiga liverpoor. waxaana garoonka ayku soo gashay Man City: Ederson, Walker, Stones, Otamendi, Laporte, Gundogan, Fernandinho, David Silva, Bernardo Silva, Sergio Aguero, Leroy Sane.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan oo labada dhinac , city oo ogeyd fursada dahabi isla markaana ayku ciriirin kartay hogaankana kala wareegi laheyd.

Waxa ay aheyd ciyaarta manc city mid kubadda maamuleysay iyadoo weerar xoogan ku qaaday goosha Everton balse wiilasha Mersiside ayaa isku dayey iney caawiyaan reds lkn uma suuragelin iney darbigooda adkeeyaan waxaana yimid goolkii ugu horeeyey ee City dhamaadkii qeybta 1aad waxaana udhaliyey Laporte.

Qeybtii dambe waxey aheyd mid aad uxiiso badan kooxda City ayaa raadisay goolal kale si ay amni uhesho isla markaana aysan usaameynin kubadda control attack balse ma dhicin ilaa laga soo gaaro daqiiqadii 90 aad oo ay gool 2aad city ay la timid sidaas ayeyna ku adkaatay kooxda City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here