Chris Hughton Oo Tilmaamay Hal Arin Oo Liverpool Ka Caawinaysa In Ay Man City Ku Garaacdo Hanashada Horyaalka Premier League

Tababaraha Kooxda Brighton ee Chris Hughton ayaa tilmaamay Hal Arin oo Kooxda Liverpool ka caawin doona in ay Man City ku garaacdo hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Chris Hughton ayaa rumaysan in awooda Liverpool ay wax aan waxba ahayn uga abuurayso wax weyn ka Caawin karto in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa badbaadiyay Liverpool kulankii Brighton kadib markii uu gool rikoodhe ah u dhaliyay bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta.

Chris Hughton ayaa ruaysan in Reds ciyaaraysay kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka tan ilaa markii ay guuldarada kala kulmeen City 9 maalmood ka hor waxana ay muujiyeen in ay kaa dhaawacayaan meel aanad filayn.

“City waxa ay ku fiican tahay baas-baaska iyo kubad haysashada, laakiin kooxda Liverpool ee Haysata salah iyo mane ayaa ka orod badan”.

“Waan ogahay in ay City haysato xiddig orod badan kaas oo ah Leroy Sane laakiin Liverpool ayaa kaga fiican dhanka weerarka rogaal celiska”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here