Chelsea Oo Xasuuqday Huddersfield Town, Hazard & Higauin Oo Min 2 Gool Isugu Jawaabay & Blues Oo Ku Soo Laabatay Kaalinta 4-aad.

Kooxda chelsea ayaa cadhadii guuldaradii Ka soo gaadhay Bournemouth kulan dul dhacday Huddersfield Town iyada oo guul weyn ka gaadhay.

Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ay ka go,antahay in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah kadib guuldaradii bartamihii todobaadka.

Blues ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolalka ciyaarta.

Gonzalo Higuain ayaa furtay Akoonkiisa goolasha isaga oo gool cajiib ah ka dhaliyay kooxda Huddersfield daqiiqadii 16-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Chelsea ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay sii dheeraysato natiijada ciyaarta iyaga oo sii waday weerarada ay ku hayeen kooxda martida u ahayd.

Eden Hazard ayaa daqiiqadii 45-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo rikoodhe u badalay khalad loo dhigay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Chelsea si cajiib ah ugu raaxaysanayso wax dhibaato ahna kala kulmin Huddersfield.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Blues sii waday dadaalka iyo maamulista kulanka ay ku maamulaystay baas-baas iyo waliba weerarka culus.

Xiddigooda ugu fiican ee Eden Hazard ayaa mar kale soo laabtay isaga oo daqiiqadii 66-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.

Blues ayaa daqiiqadii 69-aad dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gonzalo Higuain kaas oo dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisii 2-aad ee shaqsiga ahaa.

Daqiiqadii 86-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga David Luiz kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea wadada guulaha ugu soo laabatay guul 5/0 ah iyada oo ay min 2 gool u dhaliyeen Higuian iyo Hazard.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here