Chelsea Oo Wajahaysa Dagaal Ay Ku Doonaysa In Ay Ku Sii Haysato N’Golo Kante

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayaan in ay dalabyo ka gudbiyaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea heli doonto dalabyo looga doonayo xiddiga khadka dhexe ee reer France.

Xiddiga reer France ee Kante ayaa shaki la,aan ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe kubada cagta addduunka wakhti xaadirkan.

Kante ayaa saxiixay heshiis wakhti dheer ah bilowgii xilli ciyaareedkan kaas oo uu ku noqday xiddigaha ugu mushaharka badan premier League.

Laakiin kooxaha Juventus iyo chelsea ayayna arintaas ka hor istaagi doonin in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Juventus ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey waxana la sheegayaa in ay doonayaan in ay Kante soo raaciyaan Xiddiga reer Wales si uu khadka dhexe ugala ciyaaro Miralem Pjanic.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa doonaysa xiddiga iyada oo ay kaga dhagan tahay tababare Zinedine Zidane kaas oo taageero weyn u ah xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here