Chelsea Oo Ugu Dambayn Real Madrid U Ogolaatay Saxiixa Eden Hazard & Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Oo Ay Farta Ka Saartay Los Blancos

Kooxda chelsea ayaa ugu dambayn Real Madrid u ogolaatay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Eden Hazard marka la gaadho suuqa xagaaga.

Laakiin Chelsea ayaa Los Blancos u sheegtay in ay jabiso rikoodhkeeda suuqa kala iibsiga miiskana saarto lacag dhan 100 milyan oo euro.

Eden Hazard ayay 18 bilood uga hadhsan tahay heshiiskiisa kooxda Stamford Bridge waxana uu ka meer-meerayaa in uu heshiis cusub u saxiixo si uu ugu biiro Bernabeu.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ayaa saxiixa Hazard doonaysay xagaagii hore laakiin Maurizio Sarri ayaa xiddiga ku qanciyay in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedkan.

Hazard ayaa qirtay in uu sugi doono ilaa xagaaga ka hor inta uuna go,aamin mustaqbalkiisa kooxda taas oo la macno ah in hal sano ka hadhsanaan doono heshiiskiisa.

Taas ayaa chelsea dhigaysa boos difiicnimo ah laakiin wargayska Telegraph ayaa sheegaysa in ay Chelsea u sheegtay kooxda caasimada in ay miiska saarto lacag dhan 100 milyan oo euro.

Real Madrid ayaa la filayaa in ay lacag weyn suuqa galiso marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan kadib xilli ciyaareed adag oo ay soo qaatay kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here