Chelsea Oo U Dhaqaaqaysa Badalka Alvaro Morata, 3 Xiddig Oo Ay Doonayso Midkood & Morata Oo 72 Saac Ee Soo Socda Ka Tagi Doona Blues

0

Wakiilka Alvaro Morata ayaa wadahadalo horumar leh kula jira kooxda cusub ee xiddiga reer Spain sida ay sheegayaan wararku.

Alvaro Morata ayaa ku dhaw in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee ee Sevilla taas oo Alabaabka u furaysa in ay chelsea u dhaqaaqdo badalkiisa.

Shabakada Goal.com ayaa sheegaysa in ay Sevilla heli doonto xiddiga reer Spain ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa dhankeeda isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka Morata iyada oo lala xiririnayo xiddigaha Edinson Cavani, Gonzalo Higuain & Callum Wilson.

Wararka ayaa sheegaya in ay Chelsea dhamaystiri doonto midkood 3-daas weeraryahan isla marka uu Alvaro Morata dhamaystiro ku biiristiisa Sevilla 72 saac ee soo socota.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaysa dhanka weerarka iyada oo ayna xiddigaha Morata iyo Giroud wax saamayn ah ku yeelan qaab ciyaareedka kooxda.

Laakiin Chelsea ayaa haatan awoodeeda isugu gayn doonta soo xero galinta weeraryahan ka caawiya u tartamista koobabka kala duwan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here