Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Barcelona La Furtay Wadahadalo Ay Kaga Doonayso Philippe Coutinho & Qiimaha Ay Diyaarka La Tahay Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea wadahadalo dhab ah la gadhay kooxda Barcelona si ay uga hesho xiddiga Phillippe Coutinho.

Coutinho ayaa suuqii January ee sanadkii hore Barcelona kaga biiray kooxda Liverpool iyada oo miisa u saartay Reds 142 milyan oo euro.

Laakiin xiddiga ayaan wali qaab ciyaareedkiisa ku qancin kooxda isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kulamada kooxda xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay chelsea wadahadalo la bilowday Barcelona si ay Coutinho uga hesho suuqa Bishan ama xagaaga dambe.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay Blues diyaar la tahay lacag dhan 100 milyan oo euro si ay Coutinho ugu qanciso in uu ku soo laabto premier League.

Coutinho ayaa ku bilowday kaliya 10 kulan oo horyaalka La Liga ah tan ilaa bilowdgii xilli ciyaareedkan isaga oo aan qaab ciyaareedkiisa ku qancin Valverde.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here