Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Badalka Alvaro Morata Uga Dhigtay Xiddig Ay Morata Iska Soo Garab Ciyaareen, Horyaalka La Liga Ayuu Joogaa.

0

Wararka ka imanaya England ayaa shaaca ka qaaday xiddiga uu ku dhacay dookha kooxda Chelsea si ay ugu badalaan xiddiga Alvaro Morata inta lagu guda jiro suuqa January.

Xiddigii hore ee kooxda Juventus ayaa ku sii dhawaanaya in uu isaga tago kooxda reer London iyada oo ay u badantahay in uu ku laabto Spain gaar ahaan Kooxda Sevilla.

Wargayska Dily Mirror ayaa sheegaya in ay maamulka Chelsea ugu dambayn Karim Benzema u doorteen badalka Rasmiga ah ee Alvaro Morata.

31 jirka reer France ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxda chelsea iyada oo uu Milkiilaha kooxda chelsea diyaar u yahay in uu kooxda keeno khabiirka reer France.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay kooxda Real Madrid haatanba u sheegtay chelsea in ay dhagaysan doonto dalabaadka u imanaya xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here