Chelsea Oo Real Madrid U Sheegtay In Ay Diyaar U Tahay In Ay Eden Hazard Ka Iibiso Bishan Hadii Ay Miiska Saarto 100 Milyan & Los Blancos Oo Qorshe Kale Damacsan

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramyaa in ay diyaar u tahay in ay Real Madrid Eden Hazard kaga iibsio 100 Milyan oo euro laakiin kooxda Real Madrida damacsan qorshe kale.

Chelsea ayaa si aad ah u doonaysa in ay sii haysato Hazard kadib markii ay xagaagii Ka hor istaagtay in uu ku biiro Real Madrid iyaga oo u soo bandhigay heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo 300 kun oo Gini.

Laakiin xiddiga reer Belguim ayaa dhawr keer si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada inkasta oo uu u muuqdo mid ku faraxsan ka hoor ciyaarista Muarizio Sarri.

Xiddiga ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo la macno ah in ay Real Madrid si xor ah ku waayi doonto xiddiga sanadka 2020.

Wargayska AS ee ka soo baxa Caasimada Madrid ayaa sheegaya in ay Chelsea U sheegtay Real Madrid in ay miiska saarto lacag dhan 100 milyan oo euro.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay Chelsea diyaar u tahay in ay xiddigeeda ugu fiican fasaxdo inta lagu jiro bishan January.

Laakiin Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa in ay xiddiga si xor ah ku hesho sanadka sanadka dambe ee 2020 marka uu dhamaado heshiiskiisa chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here