Chelsea Oo Qaaday Talaabo Eden Hazard U Dhawaynaysa Ku Biirista Real Madrid

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qaaday talaabo xiddiga Eden Hazard u sii dhawaynaysa kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ay hoos u dhigto qiimaha ay dalbanayso si uu xiddiga Eden Hazard ugu biiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhawr jeer qirtay in uu si aad ah u doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid dhawr jeerna qirtay in ay tahay riyadiisa.

Wargayska The Independent Ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea maanta oo sabti ah ogolaatay in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Chelsea ayaa markii ugu horaysay doonaysay in ay ku iibiso xiddiga lacag dhan 250 milyan oo euro laakiin kooxda ayaa haatan diyaar u ah in ay kaliya aqbasho lacag dhan 100 milyan oo euro.

Hazard ayuu hal sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa hal sano dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here