Chelsea Oo Meel Saartay Go,aanka Bixitaanka Cesc Fabregas

0

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya go,aanka kooxda chelsea ee ku aadan bixitaanka xiddiga khadka dhexe ee Cesc Fabregas ee suuqa January.

Kooxda chelsea ayaa la sheegayaa in ayna ogolaan doonin bixitaanka Fabregas inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January ilaa ay helaan badalkiisa.

Heshiiska xiddiga reer Spain ee haatan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo adeegiisa doonaya oo ay ugu weyn yihiin kooxaha Ac Milan iyo Monaco.

Wararka ayaa maalmihii ugu dambeeyay sheegaya in uu xiddiga khabiirka ah ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Monaco.

Laakiin Sida laga soo xigtay CalcioMercato Maamulka Chelsea ayaan doonayn in ay fasaxaan Fabregas wakhti xaadirkan.

Maamulka Blues ayaa doonaya in ay dib u dhigaan bixitaanka xiddigan ilaa inta ay ka helayaan badalkiisa xitaa hadii ay dhamaadka xilli ciyaareedkan ku qaadato.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here