Chelsea Oo Maurizio Sarri U Qabatay Wakhti Uu Ku Badbaadiyo Mustaqbalkiisa

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wakhti u qabatay tababaraha kooxdeeda ee Maurizio Sarri sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa maurizio Sarri u sheegtay in uu muddo 2 todobaad ku saxo waxa ka khaldan kooxda kadib guuldaradii ceebta ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Man City.

Blues ayaa guuldaro 6/0 ah kala kulantay Man City kulan ka dhacay Etihad xilli ay Blues la kulantay guuldaradii ugu weynayd taariikhdeeda.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea shaqada ka caydhin doonto tababaraha reer Itlay todobaadyada soo socda.

Chelsea ayaa haatan u muuqata mid seegi doonta kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League iyada oo haatan kaalinta 6-aad kaga jirta kala saraynta premier League.

Sarri ayaa haatan shaqadiisa waayi kara hadii uuna 2-da todobaad ee soo socda kooxda chelsea ku hogaamin guulo la taaban karo.

Chelsea ayaa 24 bishan ciyaari doonta finalka Carabao cup-ka oo ay la ciyaari doonto kooxda Man City kulan ka dhici doona Wembley.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here