Chelsea Oo Loo Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karaan Hummels. , Muddo Ay Kaga Soo Jawaabto Ayaa Loo Qabtay.

Kooxda Chelsea ayaa si dhab u dooneysa in kala wareegga Janaury ay iska xoojiyaan dhanka daafaca si meel ay uga dhameystaan kala sareynta horyaalka.

Daafaca kooxda Bayern Munich ee Mats Hummels ayay isha ku hayaan , waxa uuna wargeyska The Sun sheegaya in ay xariir la sameeyen kooxda Munich .

Wargeyskaas ayaa sheegaya in kooxda reer Jarmal aysan diidaneen in laacibkaas ka iibiyaan Chelsea balse waa haddii kooxda reer London la yimaadaan dalab aan ka yareyn 30 milyan oo gini .

Waxaa xusid musan in Mats Hummels uu waayay booskiisa asaasiga ee kooxdaas , dhankiisana ma diidana in uu u wareego kooxda Cheslea .

Munich ayaa la xusayaa in Chelsea u qabteen muddo ku simman illaa 14-ka bisha January oo ku aadan in ay jawaab ka soo bixiyaan qiimaha loo sheegay isla markaana kooxda Munich u baadi goobaan badalka Mats Hummels.

Macalinka Chelsea ayaa dhawaan sheegay in mudnaantisia koowaad ee suuqa kala wareegga January ay tahay in uu isku soo xoojiyo daafaca waxa uuna baadidiisa ka helay horyaalka Jarmalka .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here