Chelsea Oo Lacag Jaban Ku Waayi Doonta Willian, PSG Oo Doonaysa Xiddiga & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda chelsea ayaa lacag aad u jaban ku waayi karta xiddigeeda Willian xagaaga xilli ay kooxda Paris Saint-Germain bartilmaameedsanayso adeegiisa.

Wargayska Express ayaa fahamsan in ay PSG diyaar u tahay in ay u soo dhaqaaqdo xiddiga reer Brazil kadib markii ay ku fashilmeen in ay helaan adeegiisa maalintii ugu dambaysay ee suuqa Janaury.

Chelsea ayaa ku guulaystay in ay sii haysato xiddiga todobaadkii hore inkasta oo ay wakiilada Xiddigu u duuleen Paris si ay u dhamaystiraan heshiiska xiddiga hadii ay chelsea aqabasho dalabka.

PSG ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay lacag yar ku hesho saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa Xagaga si ay ugu buuxiso booska Neymar oo 10 todobaad ka maqnaan doona garoomada.

Chelsea ayaa filaysa in uu dalab u iman doono xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga hadii ayna dalab wakhti dheer ah ka saxiixan.

Kooxda PSG ayaa ku kalsoon in ay helitaanka xiddiga ka caawin doonto siyaasada chelsea ee ah in ayna xiddigaha 30 iyo wixii ka wayn ka saxiian wax ka badan hal sano.

Laakiin Willian ayaa doonaya heshiis ugu yaraan 3 sano ah kaas oo ay PSG diyaar ula tahay in ay xiddiga ka saxiixato.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here