Chelsea Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Lacagta & Xiddiga Isugu Jiray Ee Ay Barcelona Ku Dalbatay Willain

0

Kooxda Chelsea ayaa ka jawaabtay dalabkii lacagta iyo waliba xiddiga ahaa ee ay kooxda Barcelona ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Blues ee Willain.

Chelsea ayaa si la yaab leh u diiday dalabkii ay Barcelona ka soo gudbisay xiddiga Willain ee Lacagta iyo xiddiga isugu jirtay sida ay sheegayaan wararku.

Xalay ayay kooxda Barcelona dalab lacag dhan 50 milyan oo euro iyo xiddiga Malcom miiska u saartay kooxda Chelsea si ay uga hesho xiddiga Willain.

Inkasta oo uu xiddiga reer Brazil noqday 30 jir heshiiskiisa Chelsea ee haatana uga hadhsan yihiin 18 bilood Chelsea ayaa diiday dalabkii Barcelona sida uu sheegayo wargayska Telegraph.

Chelsea ayaa wakiilada Barcelona u sheegtay in uu qiimaha Willian ka sareeyo inta ay ku qiimayso xiddiga reer Brazil ee Malcom ee dhan 38-ka Milyan.

Sidoo kale Chelsea ayaa u sheegtay Barcelona in uuna xiddiga reer Brazil Meelna uga socon kooxda inta lagu jiro suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here