Chelsea Oo Jiidhay Sheffield Wednesday, Willain Oo 2 Gool Dhaliyay & Blues Oo Si Raaxo Leh Ku Gaadhay Wareega Xiga Ee FA Cup-ka.

Kooxda Chelsea ayaa garaacday kooxda Sheffield Wednesday Kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayuu markii ugu horasay ku bilowday saxiixa cusub ee kooxda Chelsea Ee Gozalo Higuain kaas oo kulankiisii ugu horeeyay u saftay.

Kooxda Sheffield Wednesday ayaa iska caabin fiican ku bilaabatay ciyaarta iyada oo u babac dhigtay chelsea hadii ay noqoto weerar ama daafaca.

Laakiin Chelsea ayaa daqiiqadii 22-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Willain kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxda Chelsea.

Sheffield Wednesday Ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado yar-yar laakiin waxa u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea 1/0 ku hogaaminayso natiijada kana qaab ciyaareef fiicnayd kooxdii martida ugu ahayd Stamford Bridge.

Qaybtii dambe ayay chelsea si fiican ku bilaabatay iyaga oo qaadayay weeraro halis ah kooxda Sheffield Wednesday-na weeraro waali ah ku qaadayay.

Daqiiqadii 64-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Callum Hudson-Odoi kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Blues ayaan halkaas ku joogsan laakiin waxa ay sii waday weerarada iyo waliba maamulistii ay ku haysay ku haysay kulanka.

Daqiiqadii 84-aad ayay Chelsea mar kale dhalisay goolk 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay isla xiddiga Willain kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo midii 3-aad ee kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Chelsea si qurux badan uga badisay kooxda Sheffield Wednesday iskana xaadirisay wareega xiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here