Chelsea Oo Iska Khasaarisay Fursad Dahabi Ah Oo Ay Kaalinta 3-aad Ku Gali Lahady, Burnley Ayay Taako Kala Kulantay

Kooxda Chelsea ayaa taako kala kulantay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa Horyaalka Premier League todobaadkii 35-aad kana dhacay garoonka Stamford Bridge iyaga oo maray wadadii kooxaha kula tartamaya booska champions League.

Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ogsoon in ay guuldaro la kulmeen dhaamn kooxihii kula tartamayay booska champions League kadib markii ay guuldarooyin la kulmeen kooxaha Tottenham, Arsenal iyo waliba Man United.

Kooxda Chelsea ayaa la filayay in ay ka faa,iidaysato waliba gaadho guul ka caawisa in ay kaalinta 3-aad ka gasho salaanka kala saraynta horyaalka premier league.

Laakiin Burnley ayaa chelsea kaag naxsatay Gool wakhti hore ah kadib markii uu daqiiqadii 8-aad gool gantaal ah u dhaliyay xiddiga Jeff Hendrick kaas oo hogaanka u dhiibay Burnley kaan dhigay ciyaarta 1/0

Kooxda Chelsea ayaa hurdada ka kacday iyaga oo qaaday weeraro ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaartana dib ugu soo laabtaan ka hor inta uuna wakhtigu ka dhicin.

Daqiiqadii 12-aad ayay chelsea heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah oo ay kooxdiisu ciyaarta ugu soo laabatay.

Blues ayaan halkaas ku joogsan laakiin halkeedii kasii waday dar-dartii ay ku jirtay iyada oo raadinaysay goolka hogaanka ay ciyaarta ugu qabanayo iyaga oo sameeyay fursado halis ah.

Daqiiqadii 14-aad ayay chelsea heshay wixii ay doonaysay oo ahaa goolkii 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gonzalo Higuain kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Blues ku hogaaminayso ciyaarta.

Burnley ayaan ka niyad jabin ciyaarta laakiin sii waday difaacasho fiican oo cajiib ah iyo waliba weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay chelsea kaga dhaliyaan gool kale.

Daqiiqadii 24-aad ayay Burnley dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Ashlye Barnes kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah sidaasna ku aadeen qolks nasashada si ay dib isugu soo habeeyaan.

Qaybtii dambe ee ciyaar ayaa ahayd mid dhinac kaliya ka socotay iyada oo chelsea ahayd kooxda maamulaysay kulanka sidoo kale weerarka badnayn halka ay Burnley daafac ku jireen shabaqoodana ilaashanayeen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea Taako kala kulantay Burnley iskana Khasaarisay Fursad Ay Ku Gali Lahayd Kaalita 3-aad

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here