Chelsea Oo Heshiis Afka Ah La Gaadhay Laba Xiddig Oo Ay Doonayaan Saxiixooda

0

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay hal mar wada dhamaystirto laba saxiix kadib markii ay heshiisyo afka ah la meel dhigtay xiddigahaaas.

Chelsea ayaa heshiis afka ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Zenit ee Leandro Paredes iyo Xiddiga Cagliar ee Nicolo Barella sida ay sheegayaan wararku.

Maurizio sarri ayaa u sheegay maamulka chelsea in uu doonayo in uu laba xiddig ku xoojiyo kooxdiisa bishan si uu ugu buuxiyo Cesc Fabregas oo haatanba ku biiray Monaco.

si kasta ha ahaatee chelsea ayaa wali dagsanaysa qorshaha heshiisyaada inkasta oo ay Fabregas haatanba u ogolaatay in uu ku biiro.

Sida laga soo xigtay wargayska Daily Telegraph, chelsea ayaa haatan heshiis afka ah la meel dhigtay xiddiga Paredes iyo Barella laakiin aan wali go,aansan xiddiga ay tahay in u ku badasho Fabregas.

Warka ayaa sidoo kale sheegaya in ay chelsea wali ka fiirsanayso in ay u bishan u baahantahay xiddig khadka dhexe ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here