Chelsea oo guuldaro xanuun badan gurigeeda kala kulantay Leicester City

0

6dii maqribnimo ee geeska afrika ayaa waxa si toos ah loo baasay ciyaartii Chelsea & Liescter City oo kamid aheyd kulamada maanta premer league-ga.

Willasha Sarri ayaa ku dayey iney halkooda kasii wadaan guulaha iyagoo eeganaya hogaamiyeyaasha Premier ga isla markaana sidii ay dhibcahooda kusoo yareyn lahaayeen, ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan oo ay labada dhinac soo bandhigayeen.

Chelsea ayaa waxa ay aheyd qeybti hore mid inta badan garoonka maamuleysay kadib markii si buuxda ay liecster city ugu diiday iney kubadu la qeyb sadaan, Wiilasha sarri ayaa abuuray fursado badan balse ma aysan ka mira dhalin halka halka Leicster City ay ku ciyaareen kubadaha controlka.

Hazard , Willian & xidigo kale ayaa mira dhalin waayey dhowr fursadood oo si weyn looga soo shaqeeyey balse difaaca Liecster oo si cajiib ah udifaacday ayaa keentay iney qeybtii hore lagu heshiiyo bar bararo 0-0.

Markii leysu soo noqday waxaa halkeeda kasii socday ciyaarta iyadoo labada dhinac ay ku dadaalayeen iney natiijada dhankooda urogaan isla markaana libinta helaan.

Mucjisada ayaa timid kadib markii Chelsea shabaqeeda lasoo taabtay oo Liescter ay gaartay kadib markii kubad cajiib ah uu dhaliyey Vardy ninka orodka badan.

wixii intaasi kadambeeyey kooxda Chelsea ayaa isku sii dayday iney soo kabato waxa ay sameysay weeraro dhowr ah waxaa uuna badalay tiro xidigo ah kuwo kalena soo geliyey lkn aakhirkii dagaalkaasi waa looga adkaaday oo goolkii Vardy ayaa gebi ahaanba ayaa go’aamiyey ciyaarta oo 90 kii daqiiqo & wixii kadambeeyeyba lagu soo afmeeray

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here