Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Kasoo Gaadhay Kooxda Crystal Palace, N’Golo Kante Oo Saddexda Dhibcood Gacanta Usoo Geliyay Blues & Kooxda Maurizio Sarri Oo Shan Dhibcood Ka Sarre Martay Arsenal

0

Chelsea ayaa guul muhiim ah kasoo gaadhay dhigeeda Crystal Palace ciyaar adag isla markaana xidhnayd oo aan wax fursado ah oo badan la kala helin, Blues oo kulankan ku gaadhay 43 dhibcood ayaa goolka guusha ay ku gaadheen ka helay N’Golo Kante.

Eagles ayaa kulankani ku ahaa mid caqabad ku ah iyaga oo ka diwaan gashaday rekoodh xun isla markaana ku fashilmay inay hal darbad oo bar-tilmaameed ah ku aadiyaan goolhaye Keppa Arrizabalaga.

Shaxahii Labada Kooxood Ee Kulankan:

PALACE XI (4-4-2): Vicente Guaita; Aaron Wan-Bissaka, James Tomkins, Mamadou Sakho, Patrick van Aanholt; James McArthur, Luka Milivojevic (c), Cheikhou Kouyate, Jeffrey Schlupp; Andros Townsend, Wilfried Zaha

CHELSEA XI (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta (c), Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Ross Barkley; Eden Hazard, Olivier Giroud, Willian

Falanqaynta Guud Ee Kulankan:

Chelsea ayaa fursada ugu horreysay ee ciyaartan samaysay daqiiqadii 14-aad ciyaarta, Willian ayaa soo dhigay kubad gees ka tuur ahayd, Antonio Rudiger oo gool u bedeli karayay fursadaas ayaa kubada oo uu madaxeeyay hawada sarre u diray.

Willian Borges ayaa daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta sameeyay fursad uu hoggaanka ugu dhiibi karayay kooxdiisa laakiin darbadiisa ayaa noqotay mid ka gudbi wayday goolhaye Guaita.

Birta Goolka: Ross Barkley oo xulashada ciyaartan kaga soo horumaray Mateo Kovacic ayaa qarka u fuulay inuu goolka furitaanka ee ciyaartan la yimaado balse isku daygiisa oo uu ka sameeyay meel 6 yard u jirta goolka Eagles ayaa birta ku idlaaday.

Qaybta hore ee ciyaarta oo ahayd mid fursadaha muhiimka ah ee la kala helay ay yaraayeen ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Chelsea ayaa ahayd kooxda goolasha laga filan karayay laakiin Palace ayaa ciyaar adag muujisay.

GOOAL: N’Golo Kante ayaa ugu dambayn jeexay dariiqa goolasha ee kulankan, Kante oo haatan aan lagu sheegi karin mid aan gool dhalin lahayn ayaa qaabeeyay baas meel fog uga yimid oo uu ka helay David Luiz isaga oo si fiican ugu garaacay goolhaye Guaita, Van Aanholt ayay macquul tahay inuu u qariyay goolhayaha kooxdiisa kubaddan.

Chelsea players celebrate

Waxa layaab leh in kooxda martida loo ahaa aysan ilaa haatan wax darbad ah goolhaye Kepa Arrizabalaga ku bar-tilmaameedsan, Waxa ay guud ahaan heleen ilaa hada hal darbo oo goolka hareer martay.

Chelsea ayaa u muuqata mid xooga saaraysa sidii ay goolka ay heshay ku ilaashan lahayd, Wiilasha Maurizio Sarri ayaa galay wajiga dhabta ah ee falsafada tababarahooda waxaana ay kulanka ku maamulayaan baas iyo kubad haysasho.

Daqiiqadii 89-aad ee kulankan ayuu Connor Wickham oo ciyaarta bedel ku yimid sameeyay isku day uu barbaraha ugu doonayo Palace kaddib caawin uu madaxa ugu soo darbeeyay Tomkins laakin kuma guuleysan inuu kubadda ku aadiyo goolka goolhaye Kepa.

Ugu dambayn, Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay guul 0-1 ah oo ay gaadhay kooxda Chelsea isla markaana ay kaga fogaadeen kooxda booska shanaad ee Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here