Chelsea oo guul dirqi ah ka gaartay Watford & Hazard oo guul ku hogaamiyey ..

0

10:30 PM xiliga geeska afrika ayaa waxaa si toos ah loo baasay kulanka Chelsea & warford kaasoo ahaa kulankii ugu dambeeyey ee maanta Premier League laga ciyaaro.

Macalin Sarri & wiilshiisa ayaa qaabilay katiibada uu hogaaminayo Gerrad Delavue laacibkii hore ee Barca , bilowgii ciyaarta chelsea ayaa kusoo gashay sidii lagu yaqaanay kubad qurux & maamul kubadeed , waxey sameeyeen fursado dhowr ah bilowgii kulanka.

kubad qurux badan oo sifiican gadaal looga soo dhisay ayey isudhiidhiibeen ayaa waxaa la orday Pedro isagoo gudaha rigoorada soo dhibay balse waxaa soo bixiyey difaaca kooxda watford.

Waxey ciyaarta socotaba kubad ay qaldeen xidigaha watford ayaa waxaa sitoos ah udafay Kovacic isagoo ubaasay Hazard waxaana orod uu ku galay gudaha rigoorada goolaha oo kubaxay ayuu si qiurux badan uga tagay sidaas ayuu udhaliyey goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta.

Balse Jawaabta watfod masoo daahin kadib markii ay keeneen goolka bar baraha kadib kubad koornaha katimid oo afka hore goosha markaas oo Pereira shuut xoogan ku tuuray goosha chelsea uuku fashilmay Keppa inuu qabto sidaas ayeyna ku noqotay 1-1 qeybtii horena sidaas ayaa lagu kala nastay.

Markii leysu soo laabtay waxaa halkeeda kasii socotay ciyaartii xiisaha lheyd , watford ayaa isku dayeysay iney iska fogeyso kubada isla markaana joojiso balse chelsea ayaa sibuuxda umaamuleysay ciyaarta hal watford ay kubadaha Control attack ku ciyaareysay.

waxey socotaba naadiga Chelsea ayaa latimid goolkeedii 2aad kadib markii rigoore loo dhigay uu shaqadeedii fuliyey ninka caanka ah Eden Hazard sidaas ayuuna 2-1 uga dhigay, ciyaarta halkeeda ayey kasii socotay watford ayaa isku dayday iney goolkaasi kasoo laabto balse waxaa ku adkaa chelsea xidigaheeda oo kubada isku dhiidhiibayey.

daqiiqadii 71 aad waxaa timid fursad dadka oo idil gool ay umaleeyeen kadib markii Hazard kubad uula orday uusoo dhex dhigay gudaha rigoorada waxaana shuuday Wililian balse birta ayey uga dhacday , Waxey socotaba ciyaarta waxaa ugu dambeyn ayku soo afmeerantay 2-1 oo chelsea ku adkaatay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here