Chelsea Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay West Ham, Hazard Oo Laba Gool Dhaliyay & Blues Oo Kaalinta 3-aad Gashay

Kooxda chelsea ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 33-aad ee horyaalka premier League iyaga oo si buuxda ula wareegay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Chelsea ayaa ka faa,iidaysatay kufitaankii kooxaha Man United iyo Arsenal oo guuldarooyin lama filaan ah kala kulmay kooxaha Everton iyo Wolves kulamadoodii todobaadka.

Blues ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo 56% maamulayay kubada halka ay sidoo kale ka fiicnaayeen Kooxda West Ham dhanka fursad samayntan ciyaarta.

Daqiiqadii 24-aad ayay chelsea maamulista ciyaarta iyo waliba qaabkii fiicnaa ee ay ku bilowdeen ciyaarta u badaleen gool iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Eden Hazard.

Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard ayaa sida daadka isaga dhex maray xiddigaha kooxda West Ham qaab cajiib ahna gool ugu dhaliyay kooxdiisa una dhiibay hogaanka ciyaarta.

Kooxda West Ham ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato halka ay chelsea samaysay fursado ay ku doonaysay in ay ciyaarta ku sii dheerasato hogaankeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda chelsea ku hogaaminayso 1/0 waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah una qalmay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba ku soo galeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolal ciyaartana wax uga badali lahaayeen iyaga oo isku qaadayay weeraro halis ah.

Daqiiqadii 90-aad ayuu Eden Hazar mar kale soo laabtay isaga oo kooxdiisa u dhaliyay goolkii 2-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Blues ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea gaadhay guul ay u qalantay sidaasna ugula wareegtay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier league

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here