Chelsea Oo Go,aansatay Xiddiga Ay U Dhaqaaqayso Badalka Hazard, Waa Xiddig Ay La Xidhiidhay Suuqii January

Kooxda chelsea oo u muuqata mid ka quusatay in ay xiddiga Eden Hazard ku sii hayso Stamford Bridge ayaa kor u qaadaysa dadaalka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Nabil Fekir.

Chelsea ayaa dalabyo furitaan ah ka gudbisay Fekir suuqii January ee bishii hore waxana ay haatan isku diyaarinaysaa in ay adeegiisa u dhaqaaqdo suuqa xagaaga.

Wargayska Le 10 Sport Ayaa sheegaya in ay chelsea Fekir u calaamadsatay badalka Dhabta ah ee Eden Hazard kaas oo ay u badan tahay in uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xilli la filayo in uu Hazard 100 milyan ugu biiro kooxda Real Madrid, Chelsea ayaa diyaar u ah in ay 50 ilaa 40 milyan oo euro ka gudbiso Nabil Fekir si uu badal ugu noqdo Hazard.

Xiddiga reer France ayaa ku jira 18-kiisii bilood ee ugu dambeeyay heshiiska kooxda Lyon walina ma dhawa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here