Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diiday fursad ay ugu dhaqaaqi lahayd saxiixa xiddiga kooxda bilaa kooxda ah ee Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan bilaa koox ah kadib markii uu ka tagay kooxda Man United markii ay kooxdu kansashay heshiiskii uu kula joogay kooxda.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badna oo ay ka mid yihiin chelsea kuwaas oo ilaa xagaagii lala xidhiidhanayay.

Laakiin Kooxda Chelsea ayaa go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga suuqa January inkasta oo ay qaab xor ah ku heli karaan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga suuqa January iyaga oo diirada saari doona xiddigo da’yar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here