Chelsea Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Gonzalo Higuain

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aan Rasmi ah ka gaadhay mustaqbalka xiddiga amaahda ugu jooga kooxda ee Gonzalo Higuain sida ay sheegayaan wararka ka imanaya England.

Gonzalo Higuain ayaa dib loogu dirayaa kooxda Juventus xitaa hadii ay chelsea ka badbaado Ganaaxa xuuqa kala iibsiga laga saaray.

Xiddiga reer Argentine ayaa ku dhibaatoonaya in uu la qabsado premier League taas oo keeni karta in ayna kooxda chelsea si toos ah ula wareegin.

Kooxda chelsea ayaa dusha laga saaray ganaax suuqa kala iibsiga ah kadib markii lagu helay dambiyo ah in ay jabiyeen xeerarka FIFA ee suuqa kala iibsiga.

Ganaaxaas ayaa la macno ah in ayna chelsea la soo saxiixan karin xiddigo cusub labada suuq ee soo socda inkasta oo ay haatan ka shaqaynayaan in ay racfaan ka qaataan.

Laakiin hadii ay xitaa chelsea racfaan ka qaadato ganaaxa waxa ay su,aal ka taagan tahay in ay si toos ah ula wareegi doonaan Higuain.

Higuain ayaan wax saamayn ah ku yeelan kooxda chelsea isaga oo kaliya 3 gool u dhaliyay 10 kulan oo uu ciyaaray taas oo maamulka chelsea ku riixaysa in ay dib ugu diraan kooxdiisii Juventus.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here