Chelsea Oo Eden Hazard U Ogolaanaysa In Uu Ku Biiro Real Madrid & Thibaut Courtois Oo Ka Caawinaya

0

Kooxda chelsea ayaa ugu dambayn go,aan ka gaadhay in ay Eden Hazard u ogolaato in uu isaga tago kooxda Kuna Biiro kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Blues ayaa lagu soo waramayaa in ayna hor istaagi doonin Eden Hazard dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay uga fogaadaan xaaladii Thibaut Courtois ee dhacday suuqii xagaagii hore.

Eden Hazard ayaa diirada u saaran kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya adeegiisa si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe iyaga oo haatan ku dhaw adeegiisa.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea xilli heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga 2020 oo ah dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Sidaas darteed Chelsea ayaa u ogolaan doonta in uu Hazard ku biiro Real Madri xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay uga fogaadaan dhacdadii goolhaye Thibaut Courtois kaas oo kooxdiisa ku qabsay in ay ka iibiyaan Real Madrid xitaa diiday in uu tababarka la qaato kooxda kadib koobkii adduunka.

Hazard ayaa dhankiisa dhawr jeer qirtay in uu ku riyoonayo ku biirista Real Madrid iyo ka hoos ciyaarista Tababare Zidane oo ku laabtay Los Blancos kadib markii uu ka tagay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here