Chelsea Oo Doonaysa In Ay Nathan Ake Dib Ugu Soo Celiso Stamford Bridge & HalKa Arin Ee Ka Hor Istaagi Karta

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaya in ay dib ula soo saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Nathan Ake sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Holland.

Daafaca ayaa Bournemouth kaga biiray kooxda chelsea sanadkii 2017 isaga oo ugu biiray 20 milyan oo euro kadib 5 sano oo uu joogay Stamford Bridge.

Ake oo 24 jir ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan iyada oo qaab ciyaareedkiisu qabtay indhaha kooxaha waaweyn ee premier League.

Laakiin wargayska reer Holland ee Telegraaf ayaa sheegaya in ay Blues heshiiska ku dartay in ay 39 milyan oo euro kula soo wareegto xiddiga marka ay doonayso adeegiisa.

Laakiin heshiiska uu Ake ugu soo biirayo Blues ayaa ku xidhan in ay chelsea racfaan ka qaadato suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa racfaan ka qaadanaysa ganaaxa in ay dib ugu dhigaan Ganaaxa si ay xiddigo ula soo saxiixdaan suuqa xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here