Chelsea Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Willy Caballero & Kepa Oo Sabab U Ah

0

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato goolhayaha Willy Caballero kadib dhacdadii Kepa ee todobaadkii hore.

Kooxda Chelsea ayaa soo wajahday muran badan kadib markii goolhayaha 1-aad ee Kepa diiday in uu badal uga boxo kulankii Finalka Carabao cup-ka ee ay la ciyaaraysay Man City.

Maurizio Sarri ayaa doonayay in uu Kepa ku badalo Willy Caballero daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii dheeriga ahayd ee ciyaarta laakiin Goolhayaha ayaa diiday badalkaas.

Sarri ayaa dhaqankaas ku ganaaxay Kepa isaga oo ka saaray shaxda Kooxdiisa kulankii ay Bartamihii todobaadka ka badisay Tottenham.

Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaya in ay maamulka chelsea si aad ah u doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Willy Caballero.

Heshiiska Willy Caballero ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan bisha July isaga oo si xor ah uga tagi kara kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here