Chelsea Oo Dagsatay Qorshe Ay Ac Milan Uga Helayso Xiddig U Jooga, Bakayoko Ayaa Ka Caawin Kara.

0

Kooxda chelsea ayaa haatanba sii dajisatay qorsheheeda suuqa xagaaga iyada oo doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie kaas oo ay ku badalanayso xiddiga ku fashilmay London ee Tiemoue Bakayoko.

Chelsea ayaa haatanba isku diyaarinaysa in ay premier League ku soo dhawayso xiddiga Christian Pulisic kaas oo xagaaga ku soo biiri doona kooxda.

Laakiin xiddiga Borussia Dortmund ayaan noqon doonin xiddiga kaliya ee xagaaga iman doona Blues iyada oo gabadha agaasimaha u ah kooxda ee Marina Granovskaia ay qorshaynayso saxiixyo kale.

Bakayoko ayaa dhanka kale doonaya in uu isagatago chelsea kadib markii uu ku fashilmay Blues markii uu kaga soo biiray Monaco sanadkii 2017.

Xiddiga khadka dhexe ayaa haatan amaah ugu jooga Ac Milan halkaas oo uu haatan qaab ciyaareed fiican kula qaadanayo Milan.

Milan ayaa doonaysa in ay si toos ah ula wareegto Bakayoko marka la gaadho xagaaga taas keentay in ay chelsea dalbato Kessie.

Wargayska Express Sport ayaa fahamsan in ay Chelsea dalban doonto xiddiga Kessie si uu uga mid noqdo heshiiska Bakayoko sida joogtada ah ugu biirayo Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here