Chelsea Oo Badalka Eden Hazard Ka Heshay Premier League

0

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa nolo ka dambaysa Eden Hazard kaas oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan marka la furo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda uu hogaamiyo tababare Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Watford ee Roberto Pereyra.

Xiddiga qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira xilli ciyaareedkan ayay Blues u aragtaa badalka Buuxin kara booska Eden Hazard marka uu ku biiro kooxda chelsea suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Argentine ayaa ka ciyaari kara garabka midig ee weerarka iyo waliba khadka dhexe isaga oo leh tayo cajiib ah oo uu ku buuxin karo booska Eden Hazard.

28 jirkan ayaa sidoo kale si cajiib ah ugu fiican laadadka xorta ah xilli uu goolal badan ugu dhaliyay kooxdiisa laadadka xorta ah tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Xiddiga ayaa sidoo kale ka ciyaari kara weerarka tooska isaga oo dhawr kulan uga ciyaaray kooxdiisa Watford xilli ciyaareedkan waliba qaab ciyaareed cajiib ah ku soo muujiyay.

Chelsea ayaa aaminsan in ay qiimo jaban ku heli karto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba ku kalsoon in uu kooxda caawin karo marka loo eego khibradiisa premier League.

Roberto Pereyra ayaa caawa ka hor tagi doona Chelsea kulanka ay Blues la ciyaari doonto kooxda Watford kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here